Xeerka Kaalmada Dhaqaale – Guudmarka Luuqadda Cad ku Qoran

Kaalmada Dhaqaale ee La Bixiyo: UW Medicine waxay siisaa kaalmo dhaqaale, oo hoos timaada Xeerkeeda Kaalmada Dhaqaale, bukaanada u-qalma ee aan awoodin inay bixiyaan daryeelka gurmadka degdeg ah ama wixii kale ee daawayn daruuri ah. Bukaanada doortay UW Medicine waxay ka faa'idi waayo-aragnimadayada, khibraddayada iyo daryeelkayaga caafimaad ee casriga ah, kuwaas oo dhammaan isku hal nidaam oo caafimaad ah. “UW Medicine” waxaa kamid ah Airlift Northwest, Harborview Medical Center , UW Medical Center, UW Physicians, Primary Care, iyo Valley Medical Center.

Shuruudaha U-qalanka iyo Kaalmada La Bixiyo: U qalmitaanka gargaarka maaliyadeed wuxuu ku salaysan yahay dhowr arrimood, oo ay ku jiraan nooca xaaladda iyo daryeelka loo baahan yahay, caymiska iyo ilaha kale ee lacag bixinta, dakhliga, tirada qoyska, hantida, degganaanshaha gobolka WA iyo wixii tixgelin gaar ah ee bukaanka ama dakhtarka jeclaan lahaayen in la tixgeliyo.

Bukaanada raadinaya kaalmada dhaqaale waa in ay u hoggaansanaadaan nidaamka arjiga Kaalmada Dhaqaale. Taas oo ay kamid tahay inuu soo gudbiyo bayaanka W-2, waraaqaha mushaharka ee wakhtigan, bayaanada bangiga ama buuxinta nidaamka arjiga ee dhamaan ilaha kaalmada, oo ay ku jiraan kaabista gobolka ee daryeelka Medicaid.

Sida Loo Dalban Karo Kaalmada iyo Waxa U Qalanka Kaalmada tahay: Bukaanka ama qof kasta oo ku lug leh daryeelka caafimaadka bukaanka, oo ay ku jiraan xubin qoyska ah ama daryeel bixiye, waxay muujin karaan welwelka maaliyadeed mar kasta. Kadibna bukaanka ama cida ka masuulka ah ayaa lagu dhiirigalin inay buuxiyaan arjiga kaalmada dhaqaalaha. Si loogu qalmo kaalmada dhaqaalaha, waxaa la soo gudbin karaa arjiga wakhtigii la doono kahor intaan amar maxkamadeed ka soo bixin xisaabta.

Kaalmada dhaqaaluhu waxay ku kooban tahay daryeelka caafimaad ee laga bixiyo UW Medicine. Kharashaadka sida safarka, raashinka, hoyga, iyo qalabka daawaynta ee waara ee aan lagu bixin Kaalmada Dhaqaalaha.

Daawooyinka waxaa lagu dari karaa haddii uu qoray bixiye UW Medicine ah oo uu daawadana bixiyay farmasiga UW Medicine (Haddii l helayo). Dawooyinka Aan La Qorin (Over-the-counter, OTC) laguma bixiyo Kaalmada Dhaqaale.

Halka Laga Helayo Nuqullada, Gudbi Waraaqaha iyo Xogta Xidhiidhka: Xeerka Kaalmada Dhaqaalaha UW Medicine, Arjiga Kaalmada Dhaqaalaha, Guudmarka Luuqadda Cad ku Qoran, iyo Shuruudaha Biilka iyo Ururinta waxa lagu helaa bilaa lacag. Dokumentiyadan waxaa lagu heli karaa onlayn ama waxaa laga daabacan karaa uwmedicine.org/financialassistance ama valleymed.org/financialassistance. Waxa aad dalban kartaa nuqulkaaga adiga oo la hadalaya goobta deegaankaaga ee aad daryeelka ka doonanayso. Nuqullo ayaa ku diyaar ah Waaxda Gelidda iyo Gurmadka Degdeg ah ee goobaha isbitaalka UW Medicine.

Arjiga Kaalmada Dhaqaalaha oo Ingiriisi ah iyo waraaqaha taageerada, waxa aad iminka isticmaali kartaa MyChart (marka laga reebo Airlift Northwest) ee gudbinta waraaqaha kuwaas oo ku salaysan goobta daryeelkaaga. Arjiyada kale waxaa lagusii gudbin karaa bosta, faakiska, ama iyada oo la keenayo. UW Medicine waxa ay u qaban doontaa sir iyo si sharaf leh. Wixii macluumaad ah ee loo gudbiyo kaalmada dhaqaale waxaa la ilaalin doonaa macluumaadkiisa sirta ah sida uu dhigayo Daaqada Caymiska Caafimaadka iyo Sharciga La Xisaabtanka (Health Insurance Portability and Accountability Act, HIPAA).

Harborview Medical Center 
UW Physicians 
UW Medicine Primary Care 
Financial Counseling 
325 9th Ave; Mail Stop 359758 
Seattle, WA 98104-2499 
Taleefan 206.744.3084 
FAAKIS 206.744.5187 
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo. 
 – 4:30 galabnimo. 
mychart.uwmedicine.org

Valley Medical Center  
Patient Financial Services  
3600 Lind Ave SW, Suite 110  
Renton, WA 98057-4970  
Taleefan 425.690.3578  
FAAKIS 425.690.9578  
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.  
– 5:00 galabnimo 
mychart.valleymed.org/#mychart

UW Medical Center-Northwest 
UW Physicians 
UW Medicine Primary Care 
Financial Counseling 
1550 N 115th St 
Seattle, WA 98133-9733 
Taleefan 206.744.3084 
FAAKIS 206.598.1122 
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo. 
– 4:30 galabnimo. 
mychart.uwmedicine.org

Valley Medical Center  
Patient Financial Services  
P.O. Box 59148  
Renton, WA 98058-2148  
Taleefan 425.690.3578  
FAAKIS 425.690.9578  
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.  
– 5:00 galabnimo 
 mychart.valleymed.org/#mychart

Valley Medical Center  
Patient Financial Services  
3600 Lind Ave SW, Suite 110  
Renton, WA 98057-4970  
Taleefan 425.690.3578  
FAAKIS 425.690.9578  
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.  
– 5:00 galabnimo 
mychart.valleymed.org/#mychart

Airlift Northwest 
Patient Financial Services 
6505 Perimeter Road S., Ste 200 
Seattle, WA 98108 
Taleefan 206.598.2912 
FAAKIS 206.521.1612 
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo. 
– 5:00 galabnimo