Tilmaamaha Foomka Arjiga Kaalmada Dhaqaale
Kani waa arjiga kaalmada dhaqaale (sidoo kalena loo yaqaan daryeelka samofalka) ee UW Medicine. Gobolka Washington waxa uu khasab kaga dhigay dhammaan isbitaalada inay bukaanka iyo qoyskooda siiyaan kaalmo dhaqaale kuwaas oo buuxiya shuruudo dakhli oo looga baahan yahay. Waxaad ugu qalmi kartaa Kaalmada Dhaqaale ee ku salaysan qoyskaagu inta uu le’eg yahay iyo dakhligaaga, xataa haddii aad leedahay caymis caafimaad. Kaalmada waxa abaalmarin loo bixiyaa haddii aad buuxiso shuruudaha Kaalmada Dhaqaale kuwaas oo ay kamid yihiin dakhliga qoyskaaga oo 300% ama kayar Heerka Saboolnimda Fadaraalka. Waxaad codsan kartaa xog dheeraad ah ama waxaad tixraaci kartaa boggayaga Kaalmada Dhaqaale ee www.uwmedicine.org/financialassistance ama www.valleymed.org/financialassistance.
Maxay kaalmada dhaqaale bixisaa? Kaalmada dhaqaale ee isbitaalku waxay bixisaa adeegyada aasaasiga ee isbitaalka ee ay bixisay UW Medicine taas oo ku xidhan u-qalmiddaada. Kaalmada dhaqaale waxaa dhici karta inayna wada debbarin kharashka daryeelka caafimaadka, taas oo ay kamid tahay adeegyada ay ururo kale bixiyeen.
Si arjigaaga looga hawlgalo waa inaad:
- Xog naga siisaa qoyskaaga; Ku buuxi tirada xubnaha qoyskaaga guriga kula deggan (qoyska waxaa kamid ah dadka aad dhiiga wadaagtaan, guur isku kiin keenay, ama la korinayo ee aad wada deggan tihiin)
- Xog naga sii dakhliga qoyskaaga bishii (dakhliga kahor intaad cashuur ama wax kale laga jarin)
- Dokumentiyo caddaymo ah oo muujinaya dakhliga iyo hantida qoyska noo keen
- Ku lifaaq wixii xog ah ee dheeraad ah haddii loo baahdo, tusaale ahaan, warqad caddaynta ah oo aad ku xoojinayso xogtaada
- Saxeex oo taariikhda ku qor foomka
Arjiga Kaalmada Dhaqaalaha oo Ingiriisi ah iyo waraaqaha taageerada, waxa aad iminka isticmaali kartaa MyChart (marka laga reebo Airlift Northwest) ee gudbinta waraaqaha kuwaas oo ku salaysan goobta daryeelkaaga. Arjiyada kale waxaa lagusii gudbin karaa bosta, faakiska, ama iyada oo la keenayo. UW Medicine waxa ay u qaban doontaa sir iyo si sharaf leh. Wixii macluumaad ah ee loo gudbiyo kaalmada dhaqaale waxaa la ilaalin doonaa macluumaadkiisa sirta ah sida uu dhigayo Daaqada Caymiska Caafimaadka iyo Sharciga La Xisaabtanka (Health Insurance Portability and Accountability Act, HIPAA).
Nidaamka arjigaaga, waa inaad noqotaa bukaan duwaan gashan oo leh Lambarka Duwaanka Caafimaadka (Medical Record Number, MRN): Wixii ah Harborview Medical Center, UW Medical Center-Montlake, UW Medical Center-Northwest, UW Physicians iyo UW Medicine Primary Care kala hadal Xarunta La Hadalka 206.520.5000 si aad marka hore iskugu duwaan geliso.
Harborview Medical Center
UW Physicians
UW Medicine Primary Care
Financial Counseling
325 9th Ave; Mail Stop 359758
Seattle, WA 98104-2499
Taleefan 206.744.3084
FAAKIS 206.744.5187
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 4:30 galabnimo.
mychart.uwmedicine.org
UW Medical Center-Montlake
UW Physicians
UW Medicine Primary Care
Financial Counseling
1959 NE Pacific Street; Mail Stop 356142
Seattle, WA 98195-6142
Taleefan 206.744.3084
FAAKIS 206.598.1122
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 4:30 galabnimo.
mychart.uwmedicine.org
UW Medical Center-Northwest
UW Physicians
UW Medicine Primary Care
Financial Counseling
1550 N 115th St
Seattle, WA 98133-9733
Taleefan 206.744.3084
FAAKIS 206.598.1122
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 4:30 galabnimo.
mychart.uwmedicine.org
Valley Medical Center
Patient Financial Services
P.O. Box 59148
Renton, WA 98058-2148
Taleefan 425.690.3578
FAAKIS 425.690.9578
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 5:00 galabnimo
mychart.valleymed.org/#mychart
Valley Medical Center
Patient Financial Services
3600 Lind Ave SW, Suite 110
Renton, WA 98057-4970
Taleefan 425.690.3578
FAAKIS 425.690.9578
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 5:00 galabnimo
mychart.valleymed.org/#mychart
Airlift Northwest
Patient Financial Services
6505 Perimeter Road S., Ste 200
Seattle, WA 98108
Taleefan 206.598.2912
FAAKIS 206.521.1612
Isniin-Jimce 8:00 subaxnimo.
– 5:00 galabnimo
Haddii aad wax su'aal ah qabto sidoo kalena aad u baahan tahay in lagaa kaalmeeyo buuxinta arjigan fadlan la xidhiidh xarunta kor ku qoran. Waxaad kaalmo ku heli kartaa sababo kala duwan, oo ay kamid yihiin naafonimada iyo kaalmada luuqadda. Waxaanu kula socodsiin doonaa natiijada u-qalmidda iyo xaqa aad rafcaan kaga qaadan karto, haddii ay ku munaasab tahay, muddo 14 maalmood ah gudahood markaad soo xaraysay arjiga kaalmada dhaqaalaha, oo ay kujiraan dokumentiyada dakhliga. Gudbinta arjiga kaalmada dhaqaalaha, waxaad noo oggolaatay inaanu samayno wixii baadhitaan ah ee aanu ku xaqiijinayno waajibaadka dhaqaale iyo xogtaada.
Waxaanu doonaynaa inaan ku caawino. Fadlan arjigaaga si dhakhso ah u soo gudbi! Waxaa dhici kartaa in biilka laguu soo diro ilaa aanu xogtaada helayno.