Xarunta Caafimaadka ee Harborview waxay u baahan tahay caddaynta tallaalka COVID-19 oo buuxa ama baadhis taban oo COVID-19 ah oo la qaaday 3dii maalmood ee la soo dhaafay.
Shuruudahani waxaa looga baahan yahay:
- Booqdeyaasha ka weyn da'da 12 ee soo booqanaya bukaan-jiif
- Dadka da'doodu ka weyn tahay 18 sano ee la imanaya bukaanada qaangaarka ah ee balamaha ku leh rugta caafimaadka
Bukaanku uma baahna inay muujiyaan caddaynta tallaalka ama baaritaanka taban.
Ku saabsan Shuruudaha Tallaalka
Si aad ugu qalanto inaad "si buuxda u tallaalan tahay," waa in ay ahaataa ugu yaraan 2 toddobaad ka dib markaad hesho:
- Qiyaastaada 2aad ee midkood tallaalka Pfizer ama Moderna, ama
- 1 tallaal oo ah tallaalka Johnson & Johnson
Tallaalka buusterka ayaa si adag loogu talinayaa, laakiin looma baahna. Haddii lagugu tallaalay meel ka baxsan Maraykanka, si buuxda ayaa laguu tallaalay laba toddobaad ka dib markaad dhammaystirato taxanahaaga aasaasiga ah ee tallaal kasta oo ay oggolaato Ururka Caafimaadka Adduunku.
Caddeynta tallaalka waxaa ka mid noqon kara:

Kaadhka Talaalka

Sawirka kaarka Tallaalka (hore iyo gadaal)

Diiwaanka dhijitaalka ah ee ka yimid https://myirmobile.com ama Diiwaanka caafimaadka elektaroonigga ah

Diiwaanka daabacan ee ka yimid https://myirmobile.com ama bixiye daryeel caafimaad
Sida Loo Balansado Tallaalkaaga COVID-19
Goobaha Tallaalka
UW Medicine waxay leedahay goobo tallaal oo ku yaal UWMC-Northwest, UWMC-Montlake, Xarunta Caafimaadka Harborview, Xarunta Caafimaadka Valley, iyo rugta talaalka ee UW North North County ee Shoreline. Fadlan booqo www.uwmedicine.org/coronavirus/vaccine si aad u hesho ikhtiyaarada socodka ama imashada bilaa ballanta ah (walk-in) oo hubi saacadaha ka hor intaadan iman.
UW Medicine waxay sidoo kale ku bixisaa tallaallo in ka badan 20 rugo bukaan -socod oo ku yaal Degmada King, oo ay ku jiraan dhammaan rugaha daryeelka aasaasiga ah iyo kilinikyo Takhasus ah oo la xushay. Waa inaad ballan ka haysataa mid ka mid ah rugahan si aad tallaal uga hesho.
Sida Loo ballansado baaritaanka COVID-19
Goobaha Baaritaanada ee u dhow Cusbitaalada UW Medicine
UW Medicine waxay leedahay goobo baaritaan oo ku yaala ama ka agdhow afartayada cusbitaal . Waa inaad haysataa ballan si laguugu baaro goobahan
- Goobta baaritaanka U-District, oo looga lugeyn karo UWMC-Montlake
- UWMC-Northwest
- Goobta Baaritaanka Aurora, oo u dhow UWMC-Northwest
- Harborview Medical Center
- Valley Medical Center
Goobaha Kale ee Baaritanka
- Liiska hadda ee goobaha baritaanka iyo kuwa la soo geli karo ballan la’aanta, booqo www.uwmedicine.org/coronavirus/testing.
- Goobahani ma ballan qaadi karaan in lagu baari karo isla maalinta aad soo wacdo.
- Goobahani ma bixiyaan baaritanka degdegga ah. Waxay qaadan kartaa 48 saacadood ka hor intaadan helin natiijooyinkaaga.
Baaritaanka Guriga
Goobaha baadhista ee kor ku taxan waxa ay isticmaalaan baadhitaanada ugu xasaasisan ee caabuqa COVID-19 ee hadda jira, laakiin waanu aqbalnaa dhammaan baaritaanada COVID-19 marka laga reebo baadhitaanada antibodhiga ah. Si aad wax uga barato meesha laga helo baaritaanada degdega ah ee guriga iyo sida caymisku kuugu soo celinaayo, booqo www.covidtests.gov